Gacaliyayaal Waalidiinta iyo Daryeelayaasha
Xog ururintan 11 su’aalad ah waxay ka timida Ururka Waxbarashadda Qaranka ee Vermont. Waa in laga caawiyo macalimiinta iyo shaqaalaha dugsiga inay si ka wanaagsan u taageeraan adiga iyo carruurtaada muddada Covid-19 gurmadka caafimaadka. Waxaan garanaynaa inay kuwan adiga kugu yihiin wakhtiyo adag oo aan la hubin – kormeerida waxbarashadda fogaanta ah, iyo inaad nolosha isku habbayso – iyo carruurtaada, kuwaas oo ka go’ay saaxiibadood, dugsiga, iyo habkoodii caadiga ahaa ee nolosha.
Macluumaadku waxa uu ka caawin doonaa macalimiintaada inay horumariyaan waxbarashadda fogaanta ah isticmaalkeeda, inay dejiyaan filashooyinka dugsiga macquulka ah ee adiga iyo carruurtaada, in la aqoonsado caqabadaha fayo qabka qoyska, oo la yareeyo walbahaarka. Waxay sidoo kale naga caawin doontaa inaan ku shaqayno sharci dejinta, guddoomiyaha gobolka iyo kuwa kale si looga ilaaliyo adiga iyo qoyskaaga khasaaraha maaliyada, caafimaadka iyo dhaqaalja safmarkan uu ku sababay wax badan.
Si loo ilaaliyo gaar ahaansha dadka, MA waydiinayno magacyo ama cinwaanada guriga, keliyada degmada aad ku nooshahay.
Rabitaankayaga ugu wayn waa adigu inaad badbaado ahaato, fayo qabto, oo amni ahaato. Fadlan ogow in Vermont-NEA’s 13,000 macalimiinta dugsiga dad waynaha, kaaliyayaasha maamulka, kaaliyayaasha barayaasha, darawalada baska, ilaaliyayaasha iyo shaqaalaha dayactirka inay kuu taageeri doonaa adiga qaab kasta oo ay karaan,
Mahadsanid.
Kii daacad kuu ahaa,
Don Tinney, Guddoomiyahat, Vermont-NEA