Shaashadda 1-aad - Hordhacy
Baabuurta keligood is-kaxeeya waxay is-beddel maalin kasta ah ku keenayaan sida jidadka loo mari doono. Marka aan dadka caawimaad ka helno, Waaxda Gaadiidka Minnesota waxay qorsheyneysaa barnaamij ah teknoolajiga mustaqbalka, kaasoo ah baabuurta aan dadku wadin (erey kale oo la adeegsado waa baabuurta keligood is-kaxeeya).
Weli waxaa jira waxyaabo badan oo aannan ogeyn, laakiin yoolku waa in la hubiyo in ay dadka Minnesota ku yeeshaan cod sida uu gobolku isugu diyaarinayo mustaqbalka. Nagu caawi inaad ka jawaabto daraasaddan gaaban, qiyaastii toddoba daqiiqo. Jawaabaha daraasaddan waxaa loo isticmaali doonaa in lagu hago wada-hadalka mustaqbalka iyo go'aammada la xiriira teknoolajiga baabuurta aan dadku wadin. Mahadsanid.
Fiiro Gaar ah: Macluumaadka dadka laga helo waxaa loo tixgelinayaa inay yihiin xog dadweyne iyadoo loo eegayo Sharciga Adeegsiga Xogta ee Xukuumadda Gobolka Minnesota, Xeer-hooseedka Minnesota Statues, Cutubka 13-aad. Taas macnaheedu waa haddii uu qof, ama xafiis sida warbaahinta ah, ay soo codsadaan macluumaadkan waxaa waajib nagu ah in ay naga helaan, sida ku xusan Sharciga Adeegsiga Xogta ee Gobolka Minnesota. Afeefta ka eego: mndot.gov/information/disclaimer.html