Hiigsiga Golaha Naafooyinka Koboca ee Ohio waa inuu abuuro isbaddal horumarna ku sameeya madaxbannaanida, waxsoosaarka, iyo ku dhex jirka bulshada ee dadka leh naafooyinka koboceed iyo qoysaskooda.
Si uu tan u sameeyo, Golaha Naafooyinka Koboca wuxuu aqoonsanayaa dhibaatooyinka ama baahiyaha ay tahay in la sheego. Dhibaatooyinkaan ama baahiyahaan waxa isku raaca xubnaha Golaha waxaana lagu sheegaa Qorshaha Gobolka ee 5 Sano ee Golaha Naafooyinka Koboca ee ku saabsan Naafooyinka Koboceed. Qorshahan Gobolka waxa loo isticmaalaa in lagu abuuro qorshayaal deeqeed oo gaar ah.
Xog aruurinta Qorshaha Gobalka Dadwaynahe ee 5-sano waxay noqon doontaa tallaabada koowaad ee lagu aqoonsanaayo dhibaatooyinka iyo baahiyaha. Gollaha Naafooyinka Koboca wuxuu aaminsan yahay inay muhiim tahay in la oggaado waxa dadka adiga oo kale ah u arkaan muhiimka.
Xogururintan, Golaha Naafooyinka Koboca waxa loola jeedaa magaca dhammaystiran ee Golaha Naafooyinka Koboceed ee Ohio, ooDD-na waxa loola jeedaa naafooyinka koboceed.
Kuma waydiin doono magacaaga ama macluumaad kale oo loo isticmaali karo in lagugu aqoonsado. Macluumaadkan waxa loo bixin doonaa qaab qarsoodi ah waxaana kaliya loo isticmaalayaa inuu gacan ka gaysto Golaha Naafooyinka Koboceed inuu soosaaro Qorshaha Gobolka ee 5 Sano ee xiga ee kusaabsan Naafooyinka Koboca.
Haddii aadan garanayn sida looga jawaabo su'aal, dooro "Ma garanaayo" ama ha ka jawaabin. Haddii jawaab su'aali ayna meesha ku qornayn, fadlan dooro "Wax kale" oo jawaabta qor.